[go: nahoru, domu]

Jump to content

Cabdullaahi Yuusuf

Ka Wikipedia
Dib u eegistii 01:57, 31 Agoosto 2012 ee Rubinbot (wadahadal | ku darsasho) (r2.5.4) (روبوت تعديل: ca:Abdullahi Yusuf Ahmed)
Cabdullaahi Yuusuf Axmed
عبدالله يوسف أحمد

Madaxwaynaha Soomaliya
Xafiiska intuu joogay
14 Oktoobar, 2004, ilaa 29 Diseembar 2008
Xil kalawareeg: Cabdiqaasim Salaad Xassan.
Xil ku wareejin Sheekh Shariif Axmed.
Dhashay: 15 Diseembar 1934
Ku dhashay: Gobolka Mudug, Soomaaliya
Diintiisa: Islaam
Dhalasho: Soomaali

Cabdullaahi Yuusuf Axmed (carab:عبدالله يوسف أحمد) (Noolaa 1934 - 2012 ) waxa uu ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya.Cabdullahi yuusuf Waxa uu madaxweyne kumeelgaar ah ahaa taariikhda marka ee u dhaxeesay 4 Oktoobar 2004ta ilaa 29 Diseembar 2008.Cabdullahi Yuusuf waxa uu dhintay tariikhdu markay ahaad 23kii Maarso 2012 isagoo xaanun uu jiifa in mudo ah cusbitaal ku yaala Imaaraatka Carabta.

Taariikh Nololeedka

Cabdullahi Yuusuf saciid gaarig waxa uu dhashtay taariikhda marka ee heed 15 Diseembar 1934tii, waxaa uu ku dhashay meel baadiya ah oo looyaqaanno BIRTA oo katirsan Gaalkacyo ee gobolka Mudug. sanadku markuu ahaa 1934, waxaa uu kusoo barbaaray baadiyaha gobolka mudug ee bartamaha soomaaliya, Cabdullaahi waxaa uu ku biiraya ciidamadii talyaaniga xiligii gumaysiga sanadku markuu ahaa 1950 isaga oo da'yar markaasna jiray 16 sano oo kaliya, Cabdullaahi waxaa uu ahaa askari shaqadiisa ka adag isla markaana isla wayn , cabdulaahi si degdeg ah ayuu caan uga noqday askartii soomaalida ahayd ee talyaaniga xiligii gumaysiga isagoo sanado yar kadibna noqday sargaal xidigle ah.waxuu dhintay 24 maarso 2012 maalin jimca ah salaada subax ka dib.Cabdullahi Yusuf waxa uu ka mid ahaan jiray Ciidamadii Xoogga dalka Soomaaliya, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa dadkii abaabulay dowlada kumeelgaarka iyo maamul goboleedka Puntland.

Dil ka badbaadid

Sebtembar 18, 2006, Cabdullahi Yusuf waxa uu ka badbaaday dil ismiidaamin ah, marka oo baabuur bomb ku rakiban, oo ku qarxay meesha oo madaxweynaha cabdullahi yusuf baabuurkiisa taagnaa, qaraxaas waxaa ku dhintay 4 oo ka mid ah ciidanka ilaalinaayay madaxweynaha iyo cabdullahi yusuf walaalkiis, 6 neh waa la dilay, oo ahaa kuwa soo weeraray, weerarkaas waxaa lagu eedeeyay in ee ka danbeeyeen, maxkamadaha islaamiga oo markaas wadanka dhan heestay. Diseembar 2006da waxaa bilaawday dagaal aad u xun. wadanka waxaa soo galay ciidamo itoobiyaan ah oo caawinaayaan cidamada KMG ah, isla markaas neh dowlada KMG waxee qabsatay muqdisho oo dhan, isla markaas neh waxee bursadeen ciidanka maxkamadaha islaamiga ilaa magaalada Raskambooni, waa meesha ee ku jabtay kooxda

== taariikhda Saxda ah == jkhgahvav kuhy njhasb